Templates by BIGtheme NET

Tartanka Mashruuca (Emergency Response Service) (Muqdisho)

 Tender Reference: (BRA-0012-2018)

Date: 09/05/2018

 

Martigelinta Tartanka

Mudane/ Marwo

D/Hoose ee Muqdisho waxey kaalmo dhaqaale ka heshay Midowga Yurub (European Union) taas oo loogu tala galay barnaamij lagu tayeynayo kahor taga xaaladaha deg dega ah, gaar ahaan (Dabka) ee magaalada Muqdisho

Qabashada tartanka waxaa loo raaci doonaa hab-raaca Iibka D/Hoose ee Xamar, iyadoo la tixgelinayo shuruucda iyo hab-raaca ururka Midowga Yurub oo ah maalgeliyayssha mashruucan. Waxaa la raaci doonaa hab-raaca ku xusan halkan, haddii eysan dhicin xaalad khasbi karta in laga weecdo hab-raaca sida; Baahi deg deg ah, taas oo cudur daar leh

D/Hoose ee Muqdisho waxey ku marti qaadeysaa tartamayaasha buuxin kara shuruudaha tartanka mashruuca (Emergency Response Service) iney soo codsadaan. mashruucan oo lagu soo iibinayo qalabka kala ah; fire fighters, Water Tankers, Ambulances, Full fire fighter Dress, Spare parts. Waxaana tartanka hirgelinaya D/hoose ee Muqdisho

Qaadashada dukumentiga tartanka:
Dukumentiga tartanka waxaa laga heli karaa xafiiska waaxda Iibka iyo Saadka D/Hoose ee Muqdisho, laga bilaabo 11/05/2018, waxaana lagu soo celinayaa xafiiska Waaxda

Qiimaha dukumentiga tartanka:
Tartamayaashu waxey bixinayaa lacag $30 (Thirty Dollars) ah oo ku baxaysa daabacaad & adeegyo kale. Waxaa la siinayaa Rasiid (receipt voucher) laga bixinayo xafiiska waaxda Iibka & Saadka. Tartamayaasha waxaa laga doonayaa iney keenaan rasiidka marka ey dukumentiga soo celinayaan

Soo gudbinta dukumentiga tartanka:
Dukumentiga tatrtanka waxaa lagu keenayaa gacanta xafiiska waaxda Iibka & Saadka, Xarunta D/Hoose ee Muqdisho, waana inuusan ka dib dhicin wakhtiga kama dambeysta ah 26/05/2018, saacada; 9:00am (subaxnimada). Lama qabanayo wax dukumenti ah kadib wakhtiga kama dambeysta ah ee sare ku xusan

Cinwaanka lagu soo gudbinayo dukumentiga tartanka:
Tartamayaashu waxey keeni karan dukumentiga tartanka xafiiska waaxda Iibka & Saadka D/Hoose ee Muqdisho, Deg Xamar weyne, Muqdisho

Fadllan la xiriir cinwaanka
Contact person:
Abdisalam Mohamed Siyad
Procurement Assistant
E-mail address: procurementofficebra@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful