Templates by BIGtheme NET

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kenya


Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xuntay isla markaana ay tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kneya ee ah in dib loo dhigo dhagaysoga dacwadda muranka badda oo ay lagu wado inuu bilowdo Insiinta 9-ka Sebtemebr socdana ilaa 13-ka bisha.

Soomaaliya ayaa jawaabteeda ku sheegtay in tallaabada Kenya qaadday ay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad.

Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay mid cad,isla markaana marnaba aysan dooneyn in dhageysiga Dacwada Badda eek ala dhaxeeysa Kenya in dib loo dhigo.

Waxaa uu sheegay in hadii Kenya ay xilliga balanta ee Dhageysiga Kiiska ay ka maqnaato ay Soomaaliya kaliya sugeyso Go’aanka Maxkamada,isla markaana dadka Soomaaliyeed ay qabaan  rajo badan oo ah in Kenya aan ka guuleysao.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful