Templates by BIGtheme NET

Xuska Sanadguurada 96-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Munaasabad lagu xusayay 96 guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay Jamhuuriyadda Turkiga ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xuska oo gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro, Xildhibaanno Madaxda Gobolka Banaadir, Madaxweynaha Hirshabeelle, Ururrada Bulshada iyo marti sharaf kale.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmat Yilmez, ayaa ugu horreyn u mahad celiyay mas,uuliyiinta ka qeyb gashay munaasabadda, isagoo madaxda Dowladda ku ammaanay dedaallada ay ugu jirto nabadda ku soo dabbaalidda Dalka.

isagoo ku hadlaya magaca madaxweynaha dalka turkiga munaasibada 96 guuradii ka soo wareegatay la aas aasay jamhuuriyada turkiga 29 oktoobar 1923Gudoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in Shacabku aysan illaawi doonin gurmadkii uu  Madaxweynaha Turkiga u sameeyay Soomaaliya, xilli ay Dalka ka jirtay abaar ba’an.

Mudane; Xaashi, ayaa xusay in madaxweyne , recep tayyip erdoğan iyo Xaaskiisa ay ka degeen Garoonka Muqdisho, iyadoo ay Beesha Caalamkuna Indhaha ka laabatay Soomaaliya, kana aaminsanaayeen meel aan la tegi karin, isla markaana ay keeneen gargaarkii ugu horreeyay.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Dowladda iyo Shacabka Turkiga uu u jeedinayo hambalyo ku aaddan munaasabadda Sanad guuradii 96 ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Jamhuuriyada Turkiga.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Dalka Turkiga , Mustafa Kamel Ataturk, ayaa 29-kii Oktoobar 1923-kii ku dhowaaqay in Maalintaasi loo aqoonsado Maalin Qaran, markii ay meesha ka baxday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful