Templates by BIGtheme NET

Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka G/Banaadir iyo Dalladaha oo ka shiray Cabashada Ardayda

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen maanta Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banadir iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa laga soo saaray baaq loo diray ardayda Dugsiyada Sare ee imtixaankoodii la joojiyey oo maanta bannaabaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa kulanka shirgudoominayey,waxaana ka qeyb galay Ku-simaha Guddoomiyaha G/Banaadir, masuuliyin ka kala tirsan maamulka G/banaadir, iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa loogu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay Iskuulladooda ku laabtaan, isla markaana si wanaagsan ugu diyaar garoobaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo ay wasaaradda waxbarashadu dib u qaadi doonto 27-31 bishan May.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay marwalba u taagan tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyo in lasoo saaro arday tayaleh oo heesta shahaado sax ah oo aan musuq maasuq ku imaanin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful